Soo koobid
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa fadhi wadajir ah ku ansixiyay miisaaniyadsannadeedka 2022-ka bishii June 30, 2022. Sida uu dhigayo xeerka maamulka maaliyadda dowladda (2019), ansixinta miisaaniyaddan waxa ay ahayd in la meelmariyo December 2021; waxaase hab-socodkii ragaadiyey doorashooyinkii dib u dhacay.
Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2022-ka ayaa kor u kacday marka loo fiiriyo miisaaniyadda dhabta ah ee sanadkii hore 2021 oo ay ahayd $376.5 milyan, halka sanadkaan 2022 ay tahay $929.9 milyan. Intaa waxaa dheer, sanadkaan 2022, $250 milyan (26%) wadarta dakhliga waxaa lagu qiyaasay dakhli ururin gudaha halka $694.7 milyan (74%) ay noqon doonto taageero dibadeed.
Sidoo kale, Miisaaniyaddan ku-tiirsan deeq-bixiyeyaasha waxa ay muujinaysaa in dakhli ururinta gudaha aysan ku filnayn dawladda in ay maalgeliso kharashaadkeeda faraha badan ee 2022. Miisaaniyadda 2022-ka, kharashaadka waxaa loo qaybiyay afar hay’addood oo kala ah maamul (37.9%), adeegga bulshada (35%), gaashaandhigga iyo amniga (18.3%) iyo qaybta dhaqaalaha oo ah (9%). Miisaaniyad-sannadeedka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa samaysay sare u kac balaaran tobankii sano ee la soo dhaafay, iyadoo ka ahayd $20 milyan sanadkii 2012, halka manta ay gaartay $929.9 milyan.
Si kastaba ha ahaatee, qoraalkan kooban waxa uu taxliilinayaa farqiga u dhexeeya miisaaniyad-maaliyeedka 2022-ka, marka laysi bar-bardhigo kharashaadka iyo dakhliga iyo in talooyin loo soo jeediyo dowladda si wax looga qabto dal-dalooladda la ogaaday muddada falanqaynta.